Gaalkacyo: Ciidamo Danab ah oo lasugayo iyo meesha uu marayo dhismihii Sayladda (Sawirro)

Magaaladda Gaalkacyo waxaa dar dar xoogleh ku socda, hanaanka nabadaynta iyo xasilinta xabad joojinta ee ay labada dhinac ku bilaabeen.

Goor hore oo saaka ah ayaa la filayey in ay magaaladda Soo gaaran Cudubyo ka tirsan Ciidan sida gaarkaa utaba baran ee DANAB, kuwaas oo sugi doona amaanka gudiyada, kana caawin doona hubinta goobaha lakala geeyey Ciidamada.

Ciidanka oo la kala durkiyey masaafo dhan 2Km, ayaa waxaa lagu guulaystay in ay joogsattay rasaas ay marar badan soo tuurayeen ciidan Galmudug, kuwaas oo ay ciidanka Puntland sheegeen in ay khatar galisay in ay jawaab ka bixiyaan.

2-mapka

Sayladda.

Dhismaha Sayladda kala wareejinta Xoolaha ayaa haatan lasoo gab gabeeyey, iyada oo maanta oo Axad ah la dhamaystiri doono dhaman dhismayaashii Sayladda, noocayadoodii kala duwanaa, Isniinata ayaa lagu soo xiri doonaa biya galinta, iyada oo la rajaynayo in maal maha soosocdana Xariga laga jaro.

Madaxweyne ku xigeen Dowladda Puntland Eng: C/xakiin Xaaji Cumar Camay ayaa la rajaynayaa in uu xariga ka jaro, iyada oo madaxweyne Gaasna laga yaabo in uu Safar dibadda ah u baxo maalmahaa Soosoacda.

15055776_1138607069509813_7240312139773324337_n 15085465_1138606552843198_1430137040117310949_n

 

About The Author