Sawirro-Qoraa Da’yar Oo Buugaag Ku Soo Bandhigay Magaalada Qardho.

November 20 2016 (Puntlandes)-Dhawaan waxaa magaaladda Qardho lagu soo bandhigay buugta Murtida Maareeye & Suugaanta Suuban oo uu qoray nin dhalinyaro laguna magacaabo Maxamuud Ciise Xaaji (Maareeye).

Xafladda bandhiga ayaa waxaa ka qeyb galay madax ka tirsan Dowladda Puntland, Aqoonyahano, dhalinyaro,haween,waxgarad iyo dadweyne tiro badan, taasi oo ka dhacay Hotelka Gufurre International.

Ugu horeyn waxaa lagu furay ayado Quraan, ka dibna waxaa lagu soo dhaweeyay Aqoonyahan Maxamuud Maareeye kaasi oo ka sheekeyay muhiimada ay leedahay buugaagta Murtida Maareeye & Suugaanta Suuban ee uu isaga qoray.

“ Buugaagtan waxaa ugu tala galay bulshadda jecel wax akhrinta iyo dhiira-gelinta qoraalka, waxa uuna sheegayaa buugagtan muhiimadda Murtida iyo suugaanta suubaan, waana kuwa dhalinyaradda wax badan ka faa’idi doonaan hadii Alle idmo, kuna dhiira-gelinya dhalinta aqoonta leh inay qoraalo sameeyaan iyagga halku-dhig ka dhignaya, Wixii qoran ayaa quruma hare miyuu hadalku qiima leeyahay.” Ayuu yiri Aqoonyahan Maxamuud Maareeye.

Mudane. Cabdiqaadir Siciid Carshe (Dhaqaaje) Gudoomiyaha Gobolka Karkaar oo isagana hadal dheer ka jeediyey xafladda bandhiga buugaagta ayaa sheegay in aduunka xadaaradda jirta ku timi qoraal iyo akhrin.

“ Aduunka xadaaradda jirta waxa ay ku timi qoraal iyo akhrin, Umadina kama hor-marto Umadda kale illa inta ay ka qoraal iyo akhris badan tahay, waxaana muhiim ah in tusaale fiican aanu u aragno dhalinyardda reer Qardhood ee dhawaan soo bandhigay Barnaamijka Application programe kuwaas oo hadda ka shaqeeya shirkada Golis.” Ayuu yiri Mudane. Cabdilahi Carshe.

Shiikh Axmed Cawaale Gaare, Maamulaha guud ee Shirkadda Golis qeybta Qardho ayaa dhinaca kale u mahadceliyey qoraaga, hal abuurkiisa iyo weliba horseedka uu bulshadda u yahay, isaga oo muujiyay in bandhiga buugtaan ay yihiin kuwa wax-tar u leh bulshadda Qardho iyo guud ahaan Soomaaliya.

“Shirkadda Golis waxa ay idin balan qaadeysaa, in ay diyaar u tahay dhiiro-gelinta bulshadda, dhan walba sidii ay horumar u gaari lahaayeen, waxaana cadeynayaa in aanu shaqo-abuur u sameynay dhalinyaro badan oo aqoon leh, haddana weli diyaar u nahay.” Ayuu yiri Shiikh Axmed Cawaale.

Maxamuud Maxamed Diiriye, oo ka socday Dugsiga Saree al-Muntadda Qardho ayaa dhinaciisa ku tilmaamay Maxamuud Maareeye inuu yahay nin dhalinyaro ah oo degaanka wax badan tari-kara.

“Murtida Maareeye & Suugaanta Suuban oo uu qoray qoraaga, waa kuwa dhalinyaradda wax badan ka caawinaya, tusaale wanaagsan u ah in aanu dhammaanteen wax-qorno soo bandhigno buugaag sidaan oo kale ah.” Ayuu yiri Mudane Diiriye.

Mudane. Siciid Maxamed Faahiye, Gudoomiyaha Waxbarshadda Degmada Qardho oo isagana xaflada hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in waxbarshadda ay tahay mid muhiimad weyn u leh bulshadda, aduunkana maantay dadka ay ku kala hor-mareen waxbarshadda iyo weliba qoraal & Akhrina.

Dadka ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Siciid Axmed Faarax, Maamulaha Dugsiga saree Qardho, Faarax Cumar, Maamulka Guud ee Jaamacada Bariga Afrika qeybteeda Qardho.

July 28, 2016 ayey aheyd markii Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas magaalada Garowe kaga qayb galay munaasabad loogu magac daray Bandhigga Buugaagta oo markii labaad lagu soo bandhigayo caasimadda dawladda Puntland ee Garoowe, iyadda oo ay soo  qaban-qaabiyen hay’adda Cilmi baarista ee SIDRA iyo shirkadda Daabacaadda ee ScanSom.

Aqoonyahan Maxamuud Ciise ayaa ka mid ah dadkii buugaagta ku soo Bandhiggay carwada Bandhigga Buugaagta, waxa uuna waxbarshadiisa intii badneyd ku qaatay Qardho isaga oo Shahaadda heerka 1aad iyo 2aad ku qaatay dalka Indiya, waxa uuna diyaariyey Shahaadda 2aad ee Maamulka iyo Ganacsiga.

SAWIRRO

axmed-cawaale bandhiga_buugaagta_qardho-1 bandhiga_buugaagta_qardho-2 bandhiga_buugaagta_qardho-3 bandhiga_buugaagta_qardho-6 bandhiga_buugaagta_qardho-7 bandhiga_buugaagta_qardho-8 bandhiga_buugaagta_qardho-9 bandhiga_buugaagta_qardho-11 bandhiga_buugaagta_qardho-12 bandhiga_buugaagta_qardho-15 bandhiga_buugaagta_qardho-17 bandhiga_buugaagta_qardho-18 cabdilahi-carshe-gudoomiyaha-gobolka-karkaar maxamuud-maxamed-diiriye qoraa-maxamuud-maareeye siciid-axmed-faarax

About The Author