Sawirro-RW Cumar Oo Gaarey Baydhabo Xuluufaysina Layeeshay Madaxweynaha K Galbeed.

November 20 2016 (Puntlandes)-Ra’iisulwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa gaaray magaalada Baydhabo, wuxuuna kulan xasaasi ah oo albaabadu ulaaban yihiin la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aaden.

Musharixiinta ayaa kawada hadlay xaaladda Siyaasadeed ee dalka, gaar ahaana doorashada oo ay si weyn uga wada hadleen labadan masuul, iyadoo Saxaafaddu aysan xog badan ka heynin.

Mudane Cumar Cabdirashiid oo shalay barqadii ka soo kicitimay magaalada Gaalkacyo oo uu maalmihii la soo dhaafay u joogay xalinta xiisadii u dhaxeysay Puntland iyo Galmudug ayaa garoonka diyaaradaha Baydhabo kula kulmay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Warar hoose ayaa sheegaya inay isku aragti kayihiin cidda noqonaysa guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay dadaal ugu jiraan sidii Musharax ka soo jeeda Beelaha Hawiye loogu soo saari lahaa xilkaas, sidoo kale waxaa kulankaas looga hadlay sidii lagu heli lahaa taageerada 47  Xildhibaanada Dirta waqooyi iyo in Maxamed Cumar Carte laga dhigo Guddoomiyaha Aqalka Sare.

SAWIRRO

11

21

31

Puntlandes.com

About The Author