Sawirro: Maamulka Degmada Gaalkacyo oo gacanta kusoo dhigay Maandooriyaal Xashiish & Khamri isugu jira

20 nov 2016 (Puntlandes) Maamulka Degmada Gaalkacyo oo uu hogaanka u yahay Mudane Maxamuud Yaasiin Tumey ayaa dadaal xoog badan ugu jira sidii ay si waafi ah ugu adeegi lahaayeen Shacabka ku nool Degmada Gaalkacyo, iyagoo qabtay hawlo aad u balaaran intii yarayd ee ay xilka hayeen iyadoona la wada ogsoon yahay inay ka horryimaadeen Carqabado waawayn oo ay ugu waawayn yihiin dagaalka lagu soo qaaday magaalada oo kala ahaa mid toos ah iyo mid Qaraxyo loo adeegsaday.

Duqa Degmada Gaalkacyo mudane Maxamuud Yaasiin Tumey

Hadaba Maamulka Degmada Gaalkacyo oo ay gacantooda adeegu gaartay meel walba ayaa hawlgal ay sameeyeen waxay gacanta kusoo dhigeen Maandooriyaasha Xashiishka iyo Khamriga.

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Maxamuud Yaasiin Tumey ayaa sheegay in lasoo qabtay maandooriyaal iskugu jira khamri iyo xashiish.

Duqa Degmada Gaalkacyo mudane Tumey ayuu yiri “Waxaan soo qabanay 3 xirmo oo baco ah oo xashiish ah iyo 30 dhalo oo khamri ah waxaan usoo bandhigi doonaa saxaafadda ayadoo la gubayo inshaAllah”

 

Sawirka Xashiishka lasoo qabtay.

232-4a5

Puntlandes.com

About The Author