Safiirka Maraykanka oo qoraal Digniin ah u diray madaxweynaha Galmudug kadib markii ay noqotay meesha ugu Musuqmaasuqa badan

20 nov 2016 (Puntlandes) Safiirka Maraykanka ee Soomaaliaya u fadhiya Amb Stephen Schwartz ayaa qoraal Digniin ah u diray maanta madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed kadib markii ay Cadaado noqotay meesha ugu Musuqmaasuqa badan Doorashada iminka ka socota Soomaaliya.

abdikarin-guled

Dhacdooyinka uu Safiirku kusoo qaatay Qoraalkiisa

1-Gaafoow

Taliyaha Haya’dda NISA C/laahi Gaafoow Maxamuud oo Ciidamo badan oo NISA ah kusoo daadgureeyey Cadaado isagoo kadibna ka dhigay dadkii la tartamayey walaalkiis C/qaadir Gaafoow wax uu xiro iyo wax uu handado aago inay tartamaan taasoouu Safiirku ku tilmaamay wax aan la qaadan karin in Hantidii ummadda ka dhaxaysay loo isticmaalo dano gaar ahaaneed.

2-Wasiir dawle Mahad Salaad

Wasiir dawle Mahad Salaad ayaa qoraalka Safiirka lagu sheegay in Ergadii Sharciga ahayd ee Beesha Cayr uu bedelay kuna bdelay dad uu isagu samaystay oo Qaraabadiisa hoose, Shaqaale dawladeed, Askar ah, iyadoo Gabadhii la tartamaysayna la Xiray loona diiday inay Hoolka soo gasho.

3- Cabashada Ugaaska Beesha Saleebaan

4-Ahlusunna oo laga qadiyey Aqalka Sare kan Hoosana lagu wado inaan wax laga siin

Safiirka ayaa qoraalkiisa ugu sheegay C/kariim inuu qaadayo mas’uuliyadda Musuqmaasuqa, Cagajuglaynta iyo wax isdabamarinta ka socota Cadaado maadaaba uu yahay madaxweynaha maamulkaaas uuna isla markaas xubin ka yahay NLF.

Halkan ka akhriso Qoraalka oo Af ingiriis ah: US Amb Stephen Schwartz to Galmudug President Abdikarim Hussein Guled: “A non-credible process in Galmudug will reflect poorly on you.”

Hoos ka Daawo muuqaal ka mid ah waxyaalaha ka socda Cadaado ee ku saabsan Doorashada labada Aqal ee Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author