Sawirro: Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo La Kulmay Safiirka Maraykanka

22 nov 2016 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa   kulan kula qaatay safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz iyo ku-xigeenka danjiraha dowladda Britain ee Soomaaliya oo maanta soo gaaray magaaladda muqdisho.

Kulanka Ra’iisul Wasaraha iyo Safiirka Maraykanka ee Somaaliya ayaa ka dhacay Garoonka diyaarada ee Muqdisho, waxaana ku weheliyay wasiirka gashan dhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Sh, Cali diini iyo Abaan dhuullaha ciidanka xooga, waxaana  lagaga  hadlay hufnanta iyo ilaalinta sinanta doorashooyinka dalka ka socda amniga Guud ee dalka iyo sii adkaynta xariirka labada dal.

Safiirka wuxuu sheegay in dowladda Maraykanka ay ka go’antahay in dowladda Soomaaliya gacan ka siiso hirgalinta doorashooyinka iyo adkaynta xariirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa dowladda maraykanka uga mahadceliyey tageeradda ay Soomaaliya la garab tagan tahay Soomaaliyana ay Cagta saartay wadadii Guusha iyo Horumarka .

cumar5cumar4cumar-2cumar-9cumar8cumar-7cumar6cumar-1cumar3cumar11cumar13cumar-12

Puntlandes.com

About The Author