Golaha Deegaanka Degmada Garoowe Oo Saaka Uu U Furmayo Kalfadhigii 21aad.

November 23 2016 (Puntlandes)-Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland waxaa ka furmi doona kalfadhigii 21-aad ee golaha deegaanka dowladda hoose ee degmada Garoowe.

Kalfadhiga ayaa waxaa ka qaybgeli doona mas’uuliyiin katirsan dowladda dhexe ee Puntland, maamulka gobolka, madaxda degmada, isimo iyo shacab weyne ka kala imaanaya xaafadaha magaalada.

Duqa degmada Garoowe Xasan Maxamed Ciise Goodir, ayaa xilligiisii ololaha doorashada balanqaaday waxyaabo badan oo uu qayb qabtay qaarkoodna laga dhowrayo fulintooda.

About The Author