Gabdhaha Qurbajoogta Puntland ee Melbourne oo ku dayashada mudan

Australian Puntland Diaspora Forum (APDF)  15/11/2016

Gabdhaha Qurbajoogta Puntland ee Melbourne oo ku dayashada mudan

Ilaah dadka uma abuurin isku si ee midba wuxuu siiyey dhaqan gooni u ah iyo fakar kala duwan dhibaato kasta oo timaadda dadkuna iskuma food saaro. Qof kasta oo bulshada Puntlaand ah kana qayb qaata daryeelka danaha bulshada Puntland meel kasta uu joogaba, wuxuuna naga mudan yahay mahadnaqa iyo ducada bulshadiisa.

Gabdhahaas waxay kala yihiin:

  1. Safiyo Nuur Hussein (Safiyo Horeeye)
  2. Adar Odawaa
  3. Hawo Abdukadir Dheel
  4. Halimo Kaaraan
  5. Sacdiyo Sandheere

232-4c7

Safiya Nuur Xuseen (Safiya Horeeye): Gaar ahaan waa ma daasho kudayasho mudan. Safiya Nuur Xuseen, waa hooyo, ganacsato ah kana mid ah bulshada Puntland ee ku nool dalka Austraalia, gaar ahaan Melbourne.

Shaki kuma jiro bulsho kasta dadkeeda dadaalka ugu jira waxkaqabadkeeda, qaar baa ugu dheereeya una noqda horyaal inta kale ku hirato. Waa markhaati madoonto Safiya waxay waqtigeeda intiisa badan u hurtay, isku xirka bulshada halkaan iyo baraarujinta ku wajahan in mar kasta lala socdo waxna laga qabto baahida kajirta gudaha PuntLand. Kulan kasta oo bulshadaasi halkaan kuyeelato loogana hadlayo danaheeda gudaha iyo tan Puntland, Safiya caaradka ayay kaga jirtaa. Dhawr sano oo ina soo dhaafay, degaanka Puntland waxaa  ka kadhacay dhibaatooyin kala duwan,waxaana ka mid ahaa duufaano dad ku cayroobey, Kaabad gobolada isku xirta oo jabtay, dagaalo degaanka soo food saaray, burburka Isbitaalka Gaalkacyo iwm. Intaas ka sokoow waxaa mar kasta taagan hawlgalka loogu jiro hir-gelinta jidka Wadaagsin iskuna xira Gaalkacayo  iyo Garacad, kaasoo hadduu hirgalo mustaqbalka noqon kara halbowlaha nolosha dhaqaale ee PuntLand iyo degaanka Soomaalida Itoobbiya.

 

Arrimahaas oo dhan waxay ubaahdeen baraarujin dadweyne, gargaar dhaqaale lagu doonayo, gaara haan, mid laga rabo Qurba-joogta bulshada Puntland ee Australia degan.

Mid kasta oo dhacdooyinkaas ka mid ah, lacag baa halkaan laga uruuriyey, waxaana caddaan ah in Safiya Horeeye abaabulka ka sokoow hagarla’aan hantideeda ugu deeqday welina heegan u tahay.

 

Sooyaalka halganka Safiya kuma koobna Puntland oo keliya, balse waxaa Puntland labaad u ah degaanka Soomaalida Itoobiya. Bannaan bax kasta oo lagu taageerayo hor-umarka muddada gaaban halkaas ka hanaqaaday, Safiya qayb libaax bay kaqaadataa, ama kaalinta koowaad bay kaga jirtaa.

Safiya oo u kuurgashay hawlaha baaxadda weyn kana hirgalay degaankaas, ayaa soo jeedisey in lagu cabbiro suugaan hees ah kana tarjumaysa wax qabadkaas, taasoo la magac baxday “Jig-jigaay ha dheeliyin”, waxaana diyaariyey Abdiweli Faarax Qambi.

Sida la ogyahay degaanka Puntland, waxaa hadda soo food saaray culays baaxad weyn. Qofkasta oo wax garad ah kana tirsan bulshada PuntLand meel uu joogaba gudaha iyo dibaddaba waxaa xil adag ka saaran yahay inuu hawshaas ka qaato qaybta kaga aadan cod, calaf iyo cududba. Safiya waxay muteysatay inay bulshadeeda ka hesho mahadnaq  iyo ducoba.

Mar iyo weligeedba waxaa xusid mudan oo aan la halmaami karin sidaas oo kale magacyada haweenka

kala ah Cadar Odawaa, Xaawo Cabdulqaadir Dheel, Halimo Kaaraan Khadijo Fanax iyo Sacdiyo San-dheere, kuwaasoo kaalin libaax kaga jira baraarujinta bulshada gaar ahaan dhaqaale bixintooda/ururintiisa, waxaa kale oo jira dumarka badan oo dadaalkooda aan halkan lagu xusin, hase ahaatee mar kale ayay ku soo bixi doonaan marka ku haboon.

Mahadsanidiin

Ahmed Mohamed Warsame

Guddoomiyaha(KMG) Australian Puntland Diaspora Forum (APDF)

Abdiweli Farah Qanbi

Melbourne, Australia

 

About The Author