Daawo Muuqaal: Abaaraha Gobolka Mudug & Filmkii ugu naxdinta badnaa abid oo laga soo duubay

23 nov 2016 (Puntlandes) Abaartii ugu darnayd abid ayaa ku dhufatay, deegaanada hoosyimaada Gobolka Mudug, Xoolihii ayaa dhamaaday waxaana khatart ku jira dadkii deegaankaan.

15037237_1545789565437983_3404206582723390501_n

Dagmada Jariiban ee Gobolka Mudug waxaa si adag u halakeeyey Abaar iyo biyo la’aan, xoolo dhaqatadii ayaa jaah wareersan, waxaana ay ku daadsan yihiin dariiqyad ku dhow dhow wadooyinka, iyada oo ay jiraan kuwo badan oo soo gaari waayey meelaha gawaaridu kasoo gaaraan ayaa khatar ugu jira in ay le’edaan.

Haatanna majiraan wax dadaal ah oo wadaan Dowladdu marka laga reebo gudiga abaaraha ee ay dhistay, canshuurta ayaa sii qaaliyowday meeshii laga sii dhimi lahaa, waxaana sii ad kaatay gacanta dowladda.

Waxaa jira dadweyne dhalin yaro u badan oo is xil qaamay, kuwaas oo dhaqaale aruurin samaynaya, waxaana ay haatan bilaabeen biyo ay ka dhaaminayaan deegaanada hoos yimaada dhulka khatarta badani ka jirto.

‘Daawo Video gii ugu naxdinta badnaa ee laga soo duubo Gobolka Mudug, kaas oo ka turjumaya Abaara baahsan ee ka jirta Gobolka.

Daawo Muuqaalkan.

About The Author