Fadeexad: C/karim oo iska wareejiyey Mas’uuliyadda Doorashada Cadaado dushana ka saaray kuxigeenkiisa Jawaab qoraalkii Safiirka Maraykanka

23 nov 2016 (Puntlandes) Safiirka Maraykanka ee Soomaaliaya u fadhiya Amb Stephen Schwartz ayaa bishan nov 18 dii u diray madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed qoraal Digniin ah kadib markii ay Cadaado noqotay meesha ugu Musuqmaasuqa badan Doorashada iminka ka socota Soomaaliya, halkan ka akhriso qoraalka oo Af ingiriis ah.

175e

Hadaba Warbaahinta Puntlandes ayaa heshay Qoraal ku taariikhaysay 20kii nov 2016 oo  uu madaxweyne C/kariim ugu jawaabay ) Safiirka Maraykanka ee Soomaaliaya u fadhiya Amb Stephen Schwartz, kaasoo uu dhamaan ku inkiray eedaymihii Safiirka.

C/kariim oo Mas’uuliyadda Doorasha dusha ka saaray kuxigeenkiisa

Madaxweyne C/kariim ayaa isagoo ka cararaya mas’uuliyadda ka saaran inay Doorashadu si habsami ah uga dhacdo Cadaado ayaa qiil ka dhigtay Colaada Magaalada Gaalkacyo ka aloosnayn.

ku marmarsiiyooday Nabadynta Gaalkacyo

C/kariim ayaa waxa uu qoraakiisa ku yiri sida aaad la socoto labi todobaad waxaan mashquul ku ahaa Nabadaynta Coladaada Gaalkacyo, waxaana ku guulaysanay inaan Ciidamada kala qaadno 18kii nov, waxaan arimaha Doorashada si dhamauystiran ugu wareejiyey Madaxweyner kuxigeenkayga…”

Soomaalida ayaa waxay ku maahmaahdaa ”Falaari gilgilasho kaagama harto” C/kariim waxa uu mooday sidaas sahalka ah inuu uga carari karo mas’uuliyadda ka saaran Fadeexadda, Musuqmaasuqa, Cagajuglayn, Xariga, Caburinta iyo Boobka ka socda Doorashada Cadaado?

C/kariim waxa uu qoraalkiisa si cad ugu sheegay inuu xaga maamulka Galmudug mas’uul ka yahay Madaxweyner kuxigeenka maamulku, halka ay dhanka kale ay mas’uul ka yihiin Doorashada Guddiga Doorashada Dadban ee heer Galmudug iyo heer Federaal, CAJIIB oo madaxweynuhu muxuu mas’uul ka noqon?

Dhamaan Dhacdooyinka uu Safiirku kusoo qaatay Qoraalkiisa waa uu inkiray C/kariim oo wuxuu ku tilmaamay eedaymihii Safiirka Maraykanka ee Soomaaliaya u fadhiya Amb Stephen Schwartz BEEN ABUUR aan sal iyo raad toona lahayn, halkankan ka akhriso qoraalka C/kariim oo afka Ingiriiska ku qoran.

Halkan hoosana ka akhriso Eedaymihiii safiirka

1-Gaafoow

Taliyaha Haya’dda NISA C/laahi Gaafoow Maxamuud oo Ciidamo badan oo NISA ah kusoo daadgureeyey Cadaado isagoo kadibna ka dhigay dadkii la tartamayey walaalkiis C/qaadir Gaafoow wax uu xiro iyo wax uu handado aago inay tartamaan taasoouu Safiirku ku tilmaamay wax aan la qaadan karin in Hantidii ummadda ka dhaxaysay loo isticmaalo dano gaar ahaaneed.

2-Wasiir dawle Mahad Salaad

Wasiir dawle Mahad Salaad ayaa qoraalka Safiirka lagu sheegay in Ergadii Sharciga ahayd ee Beesha Cayr uu bedelay kuna bdelay dad uu isagu samaystay oo Qaraabadiisa hoose, Shaqaale dawladeed, Askar ah, iyadoo Gabadhii la tartamaysayna la Xiray loona diiday inay Hoolka soo gasho.

3- Cabashada Ugaaska Beesha Saleebaan

4-Ahlusunna oo laga qadiyey Aqalka Sare kan Hoosana lagu wado inaan wax laga siin

Safiirka ayaa qoraalkiisa ugu sheegay C/kariim inuu qaadayo mas’uuliyadda Musuqmaasuqa, Cagajuglaynta iyo wax isdabamarinta ka socota Cadaado maadaaba uu yahay madaxweynaha maamulkaaas uuna isla markaas xubin ka yahay NLF.

Halkan ka Daawo mid ka mid ah Fadeexadíhii Cadaado ka dhacay

Puntlandes.com

 

About The Author