XOG: Beesha Caalamka oo Hordhigtay Guddiga Doorashada Xil. gaaraya 29 si dib loogu noqdo Kuraastooda

23 nov 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Beesha Caalamku ay hordhigtay Guddiga Doorashooyinka Dadban liis ay ku qoran yihiin 29 ka mid ah Xildhibaanada cusub ee dhawaan la Doortay si dib loogu noqodo kuraastaas.

230-2a8

Xildhibaanadaas 29ka ah ayaa ka soo kala baxay dhamaan Dawlad Goboleedyada dalka waxayna u badan yihiin sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes maamulada Galmudug iyo Hirshabelle.

Dalabka Beesha Caalamka ayaa waxaana ka dhaga adaygay Gudoomiyaha Guddiga Doorashoyinka dadban ee heer Faderaal Cumar dhagay, balse waxaa ka go’an Beesha Caalamka inaysan marnaba aqbalin xildhibaanadaas sida Qaldan ku yimid Kuraasta.

Xildhibaanadan ayaa waxaan lagu tuhunsan yahay, Xatooyo codad, Laaluul bixin, ka tirsanana Argagixisada Alshabaab iyo in ay garab mareen Hanaanka Doorasho ee la isku raacay.

Wixii kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author