Barnaamijka Saami celinta Bulshada ee Somtel oo ka Dhacay Iskuulka Xaawo Taako (Sawirro)

Shirkadda isgaar siinta Somtel ayaa magaaladda Garoowe waxaa ay ku qabatay, Barnamaij ay ugu tala gashay in ay uga faa iidayso Ardayda Iskuulka farsamada ee Xawo taako.

Maamulka shirkadda waaxda Suuqgaynta iyo Iibka, ayaa Ardayda iskuulka Xaawo taako gaar siiyey barnaamij ay ugu tala galeen in ay Maamooyinka iyo Gabdhaha Iskuulkaasi in ay ka faa iidaystaan, barnaamijakaas ayaa ahaa qayb ka mid ah Saami Celinta Bulshada.

Barnaamikaan ayaa xanbaarsanayaa baal marino kala gadisan, oo loogu tala galay in ay ka faa iidaystaan ardayda Iskuulka, abaal marinta ayaa isugu jirtay, Lacag ku hadala, lacag Kaas ah iyo Moobailo, kuwaas oo ay ku guulaysteen 11arday oo kamid ah artay Iskuul tab barka haweenak ee Xaawo Taako.

Maamulaha waaxda suuqgaynta Shirkadda Somtel Qaasim Maxamed Yusuf, oo la hadalay Ardaydii ka faa iidaysanahysay, ayaa u sheegay in ujeedka Shirkaddu yahay, in ay sxb dhow la noqoto wax barashada iyo Haweenka.

“Haweenku waa hogaanka qoyska, marka laga hadlayao rabitaanka, Hadaan ragnahay waxaan rabnaa wixii aad idinku rabtaan, Shirkadda Somtelna Haweenka sidaas oo kale ayey ula shaqaysaa, Marka idinkuna Nala shaqeeya oo aan wada jir guul kuwada gaarno” Ayuu yiri Qaasim.

SAWIRRO.

img_2477 img_2473 img_2470 img_2466 img_2461 img_2437 img_2431 img_2423 img_2405 img_2401 img_2399 img_2381

 

About The Author