SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Madaxtooyada Garoowe Ku Qaabilay Ciyaartoy Katimi Dalka Australia.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maata 25 November  2016 qasriga madaxtooyada Garoowe ku qaabilay dhalinyro ciyaartoy ah oo katimi Dalka Australia.

Madaxweynaha waxa soo dhoweynta dhilinyarada ciyaartoyda ah ku weheliyey Madaxweyne ku xigeenka Dawlada Puntland Eng. Cadixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland mudane Axmed Cali Xaashi.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Axmed Cabdalla Tigaana, guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya Cabdullaahi Siikh Nuur, agaasimaha guud ee hay’adda qurba joogta Puntland Cumar Shire, guddoomiyaha jaaliyadda dalka Australia Xuseen Xarakow, macallinka xulka Australia Cali Cuma, barnaamijkan waxaa qayb ka qaadatay Wasaaradda Ciyaaraha Puntland iyo xiriirka kubadda cagta Puntland.

Ugu horayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku soo dhoweeyey dhalin yarada ciyaartoyda ah Puntland iyo Guud ahaan Soomaliya.

” ku soo dhowaada Dalkinii hooyo ee Soomaaliya, ku soo dhowaada Puntland, waxaan aad idiin ku dhiri gelinaynaa idiinkuna amaanayaa inaad Dalkinii hooyo timaaden idinkoo ujeed kiina guud uu ahaa inaad soo aragtaan Dalkiina hooyo, idinkoo  ka shaqaynaya is dhexgalka iyo inaad wax ka sii ogaataan duruufaha dalka yaala, Puntland waa dhul dihin, waa dhul aad u qurux badan oo ku wanaag san dalxiiska iyo nasashada waana rajaynayaa inaad kahelidoontaan” ayuu yirii Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr.cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cadixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa isaguna dhankiisa Puntland iyo Soomaaliya kusoo dhoweyey dhalinyada ka soo kicitimay dalka Australia gaar ahaan caasimadda Melbourne, waxuuna madaxweyne ku xigeenku dhanliyada ku dhiiri geliyey inay sii xoojiyaan dedaalka ay ugu jiraan barashada dhulkooda hooyo.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland mudane Axmed cali Xaashi ayaa isna sidoo kale sheegay in dhalinyaradu ku dhiiradeen imaanshaha dhulkooda hooyo isla markana waxbadan ay ka arkeen hibada iyo hanaanka dhulkoodu uu leeyahay.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda puntland Dr.cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhalinyarada ku dhiiri geliyey socdaal koodan ku adanaa is dhexgalka bulshada Soomaalida ee ku dhaqan gudaha dalka yo dibaddiisa isla markaana ay la ciyaaraan kubadda cagta dhalinyarada  ciyaartoyga ah ee ku sugan gudaha Puntland, waxaana uu ku tilamaamay inay guul u tahay is dhexgalka iyo is fahanka umadda Soomaaliyeed. 

img_1416 img_1421 img_1422 img_1423 img_1429 img_1431 img_1432 img_1433 img_1437 img_1438 img_1440 img_1445 img_1446 img_1449 img_1453 img_1458 img_1462 img_1466 img_1469 img_1474 img_1480 img_1481 img_1484 img_1488 img_1489 img_1491 img_1493 img_1495 img_1501

Puntlandes.com

About The Author