SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Safaro Shaqo Ugu Anba Baxay Dalalka Ethiopia iyo Chine

Maxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta 25 November 2016 safaro shaqo ugu amba baxay Dalalka Ethiopia iyo China, safarkan Madaxweynaha ayaa yimi kadib markay dawlada puntland ka heshay dalalkasi casuumad rasmi ah.

Safarkan madaxweyna ugu amba baxay dalalka Ethiopia iyo China ayaa waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland.

Ugu horayn Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in safarkan uu ku tegayo Dalalka Ethiopia iyo China inay la xidhidhaan amanka iyo adkaynta xidhiidhka ay laleedahay dawlada Puntland wadamadaasi, sidoo kale waxaa uu Madaxeynuhu ku dardaarmay Adkaynta amniga iyo inlagu deddaalo sidii loo gaarsiin lahaa  Gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruha saameeyeen.

”waxaan saaka u amba baxayaa Dalka Ethopia iyo socdaal gaaban oo aan ku gaari doono dalka China, Dalka Ethopia waxaan u aadi doonaa arrimo la xidhiidha iskaashiga amaanka iyo arimihii noosocdey ee haa iskaashiga dhanka ganacsiga, socdaal gaaban oo dhowr beri qaadan doonana waxaan ku tegidoona wadanka China  oo aan u aadi doono hawlo laxidhiidha horumarinta Mashariicda”Ayuu Yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland

“Waxaan ilaahay ka rajaynayaa inuu nagu soo guuleeyo safar kayaga wax fiicana uga soo baxaan dadka iyo dalka Puntland, sidoo kale waxan ku dardaarmayaa labadii arimood ee haa ladagaalanka argagixisada dalka ku soo duushey iyo  sidoo kale  gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu wax yeleeyeen”ayuu intaasi sii raaciyey  Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa shacabka Puntland kula dardaarmay inay had iyo jeer ka shaqeyaan iskana kaashadaan hirgelinta Nabada, Horumarka iyo Caawinta Dadkooda tamarta yar siiba kuw abaaruhu sameeyeen.

dsc02097 dsc02100 dsc02101 dsc02102 dsc02107 dsc02112 dsc02114 dsc02117 dsc02118 dsc02119 dsc02120 dsc02121

Puntlandes.com

 

About The Author