Akhriso: Guddiga xalinta khilaafaadka oo soo bandhigay cabasho laga keenay Xuseen Iidow & Xasan Macalin

25 nov 2016 (Puntlandes) Guddiga Madaxa banaan ee Xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa maanta soo saaray warqad cabasho ah oo ka timid nabadoonada beesha Murusade oo ku aadan labo kursi oo ka mid ah aqalka Hoose ee dhowaan ay ku guuleysteen Xuseen Iidow iyo Xasan Macalin.

232-5a7232-5a7

Warqada ayaa lagu sheegay Xuseen Iidow oo ahaa Wasiiru dowlaha Madaxtooyada uu si sharci darro iyo awood codeyn gacan taag ah ku helay Kursiga.

Sidoo kale Guddiga ayaa soo bandhigay cabasho kale oo laga keenay Kursiga uu ku guuleystay Xasan Macalin, kaasoo lagu sheegay in ergo uu ka keensaday Muqdisho ay u codeeyeen, iyadoo aanay ogeyn Nabadoonka Beesha.

Halkan hoose ka akhriso Warqada ay soo bandhigeen Guddiga xalinta khilaafaadka

232-56

Puntlandes.com

About The Author