Gaalkacyo: Dadkii soolaabtay oo xabsi horleh soo wajahday iyo Cabsi laga dareemayo Magaaladda (Warbixin+Sawirro)

Magaaladda Gaalkacyo oo ku jirta Xabad joojin ku meel gaar ah, ayaa waxaa laga dareemayey nabad iyo daganaan, waxaana bilowday in ay soo laabtaan dadkii horay uga barakacay.

 

Xaaladda Colaadeed.

Magaaladda ayaa haatan waxaa ka jirta xabad joojin aan cago badan ku taagnayn, waxaana ay ciidamadu kala joogaan laba meelood oo aab cid ku kormeerta aysan jirin.

Ciidanka Galmudug ayaa lagu eedaynayaa in ay kasoo durkeen meeshii horay loogu hishiiyey in ay joogaan, sidoo kale waxaa ay maalin kaho rasaas huwiyeen, gaadiid shacab leeyahay oo maryey aaga Sayladda Magaaladda Gaalkacyo ee Cusub.

Sahanka iyo Awbooska labada ciidan ayaa saacad kasta oo maalinta ka mid ah is arka, taas oo iyaduna shaki badan abuurtay, waxaa lawaayey ciidankii Danab oo la sugayey in ay yimaadaan, si ay uga qayb qaataan hubinta Xabad joojinta, ayna u sugaan amaanka labada guddi, ee kor meerka xabad joojinta fulinaya.

6-4

Sayaladda iyo xaalkeeda.

Dhismaha Sayladda Gaalkacyo ayaa haatan lasoo gab gabeeyey, waxaana la daah furaya maalmaha Soo socda, iyada oo la filayo in ay shaqadeeda biloowdo.

Sayladda oo dhismaheedu keenay buuqa sababay gacan ka hadalka, ka dib markii ay Galmudug diiday in ay Puntland dhisto xaruntaas, waxaana ay haatan dadbadni cabsi kaqabaan in ay arintaasi keeni karto weerar ka yimaada Galmudug.

15055776_1138607069509813_7240312139773324337_n

Dadkii barakacay.

Dadkii magaaladda Gaalkacyo ka barakacay, oo u guuray duleedka magaaladda iyo magaalooyinka ku xeeran, ayaa bilaabay in ay magaaladda dib ugu soo laabtaan, Marka laga reebo ku markii hore barakacayaasha ahaa (IDPska).

IDPyada u qaxay duleedka magaaladda ayaa iska diiday in ay dib usoo laabtaan, iyaga oo sababta ka dhigay, in ay wali jirto cabsi colaadeed iyo iyada oo ay daganaayeen meeshii lagu dagaalamay, taas oo ay saacad kasta khatari ka dhici karto.

15175381_1458801367483297_907286729_n 15211679_1458800640816703_146735763_n 15218329_1458801034149997_457775945_n 15218478_1458799550816812_507947570_n 15218619_1458799160816851_341448337_n

 

About The Author