Wafdi uu hoggaamiyano Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo gaaray Cadaado

26 nov 2016 (Puntlandes) Wafdi uu hoggaamiyano Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug.

img_9656

Wafdigan  waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, waxaana lagu wadaa in uu ka qeyb galo doorashada Aqalka Hoose ee maanta ka dhaceyso magaalada Cadaado, halkaasi oo ay iminka ku suganyihiin ergooyinka dooran lahaa xubnaha Aqalka Hoose.

Sidoo kale Danjire Michael Keating ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato Madaxda Galmudug iyo qeybaha bulshada ee uu kala hadlayo hanaanka doorashooyinka dadban ee Xubnaha Aqalka Hoose iyo sidii loo dar dargelin lahaa.

Puntlandes.com

About The Author