DEG DEG: Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay agagaarka Wadada Afisyooni

26 nov 2016 (Puntlandes) Qarax aad u xooggan ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga Wadada aadka u Mashquulka badan ee Afisyooni ee degmada Waabari, iyadoo uu jiro Kharaaso ka dhashay Qaraxaas.

226-3-1

Qaraxan ayaa dhacay xilli wadada loo xiray Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya Munaasabad dib loogu furayo Iskuulka 21 October ee ku yaala wadada Afisyooni.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay tirada dhimashadu ay ka badan tahay 10 halka uu dhaawucu aad u badan yahay.

Gaadiidka Ambalaaska ayaa daad-gureynayay dadka wax ku noqday qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan.

Kala soco Warbaahinta Puntlandes  wixii warar ee ku soo kordha

Puntlandes.com

About The Author