Guddiga xalinta khilaafaadka oo go’aan ka gaaray mid ka mid ah kuraasta jufada madaxweynaha

26 nov 2016 (Puntlandes) Guddiga Madaxa banaan ee Xalinta Khilaafaadka ayaa go’aan ka gaaray muran ka taagnaa kursi ka mid ah saddexda Kursi ee Beesha Waceysle ku laheyd ee Aqalka Hoose ee yaallay Cadaado, kaasoo labo ka mid ah horay loo doortay, balse muran iyo is qab qabsi ka jiray kursiga saddexaad dib loo dhigay Tartankiisa.

War qoraal ah oo uu soo saaray Guddiga Madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayuu ku caddeeyay in Kursiga Beesha Absuge uu yahay kursi ay tartamayaan xubin rag ah, sidaas darteed Guddiga ayaa sheegay in Kursiga ay aheyd in haween ku tartamaan uu ahaa Kursiga Beesha Cali Gaaf.

Hase ahaatee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa awood u adeegsatay inay ka weeciso Kursigaas in haween u tartamaan, waxaana ay cadaadis ku saartay Guddiga doorashooyinka Galmudug in loo wareejiyo kursiga Haweenka kan Beesha Absuge.

Suldaanka Beesha Waceysle Maxamed Cabdi Shido oo ka mid ah 135 oday ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku cadeeyay in kursiga Beesha Absuge uu yahay midka ay ku tartamayaan ragga, isla markaana Kursiga Beesha Cali Gaaf uu ahaa kan la isku raacay in Haween ku tartamaan.

Kursiga Xildhibaannimo ee Beesha Cali Gaaf ayaa waxaa horay waaxaa loo faafiyey inuu ku guulaystay Saadaq C/kariin oo ahaa Agaasime kuxigeenkii Madaxtooyada, hase ahaatee waxaa uu galay afarta kursi ee shakiga la geliyay sax ahaanshahooda, kaddib markii warqad ka soo baxday todobaadki hore Safiirka Mareykanka iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka walaac looga muujiyay doorashada ka dhacday Cadaado inay aheyd kuwo aan sax aheyn oo loo adeegsaday awoodo xad dhaaf ah iyo musuq maasuq.

Halkan hoose ka akhriso Warqada Guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashooyinka

232-5b5

Puntlandes.com

About The Author