Dhagayso-Sawirro: Gaalkacyo: Gudga Nabadaynta & Xabad joojinta oo geel lasoo dhacay dib uceliyey Fariinta udiray Galmudug

28 nov 2016 (Puntlandes) Gudiga ilaalinta xabad joojinta iyo nabadaynta Gaalkacyo ay u xilsaartay Dowladda Puntland, ayaa maanta waxaa uu soo badhigay Geel lasoo dhacay oo ay soo celiyeen.

Gudiga ayaa Geelaan ku wareejiyey mulkiilihii Geela ahaa, oo loogu yeeray aaga Garoonka Diyaaradaha ee C/lahi Yusuf, Geelaan ayaa waxaa horay u dhacay koox dhalinyaro ah oo uu Geel ka maqnaa, hase yeeshee waxaa kasoo celiyey ciidanka amaanka Puntland, oo kusoo wareejiyey gudiga.

Mulkiilaha Geela lagu wareejiyey oo kasoo jeeda Beesha Wacaysle ee Abgaal ayaa sheegay, in uusan isaga qolo gaara ahayn uuna yahay muwaadin Soomaaliyeed, Puntland iyo Gamudug ay isku reer u yihiin, xittaa haddi mid uu kasoo jeedo, labada dhinacna uu daaqo oo ku dhaqanyahay.

Gudoomiyaha Gobolka Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif (Xasan Abgaaloow) oo si rasmi ah ugu wareejiyeya Geela milkiilihii lahaa ayaa ugu baaqay wixii haysta Xoolo aysan lahayn ay sidaan oo kale ugu wareejiyaan dadkii lahaa.

Xasan Abgaaloow ayaa dhanka kale u digay dadka warka aan nabadda waafaqsanayn ku hadla iyagoo ka hadla Idaacaddaha ka jira maamulka Galmudug, wuxuuna ugu baaqay inay Nabadda ka shaqeeyaan ayna Joojiyaan wararka aan Xaqiiqda ahay.

Dhagayso: Gudoomiyaha gobolka Mudu oo Fariin u diray Galmudug iyo Saxaafaddeeda.

Daawo Sawirro.

25

30

20 21 23 24
Puntlandes.com

About The Author