Gaalkacyo: Rag lagu dilay Gaalkacyo & xaaladda oo sidii hore ka badalan maanta

28 nov 2016 (Puntlandes) Iyada oo ay magaaladda Gaalkacyo ay maanta ka jiraan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo xoog badan, kaasoo laga dareemayo dhinac Galmudug, ayaa waxaasoo kor dhaysa kacsanaanta Ciidan oo magaaladda laga dareemayo.

230-3a5

Ciidan ka tirsan Ciidan Galmudug oo saaka tacshiirad huwiyey gaadiid kasoo gudbay dhinaca Puntland, kuwaas oo ku wajahnaa gobolka Hiiraan, ayaa waxaa ku geeriyooday Darawalkii Gaariga halka uu dhaawac soo gaaray mid kamid hawlwadeenada Gaariga.

Arintaan ayaa walaac badan ku abuuraysa gaadiidlayda isaga kala Gooshta Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya, goobjoogayaal ay warbaahinta Puntlandes la xiriirtay ayaa sheegay in ay Ciidanku joojinayaan dhamaan Gaadiidka Xamuulka ah.

Ganacsatada Galmudug & Dablay israsaasayn dhex martay

Dhinaca kale is rasaasayn muddo kooban socotay ayaa dhex martay, koox la sheegay in ay ka tirsanaayeen Ciidanka Galmudug iyo ciidanka Ilaalada Bakhaarada, Is rasaasaynta ayaa ka dhalatay kadib markii ay damceen in ay Ciidankaasi aag dagaal ka dhistaan gudaha Bakhaarada iyo Suuqa, taasoo ay ka biyodiideen Ganacsatada Galmudug, oo ka codsaday kooxdaas in aysan dagaal ka dhalin gudaha Suuqa, iyaguna ay ka diideen hase yeeshee markii danbe ay dhalisay gacan ka hadal israsaasayn isu badala.

Xaaladda Magaaladda ayaa markii dambe dagtay, inkasta oo muddo saacado ah uu xirnaa ganacsigu, xaaladduna ay ciska isku shareertay, haatan ayaa baqaaradii dib loo furay, inkasta oo lakala harsaday misana xaaladda ayaa oodaa in ay caadi kusoo noqonayso.

 

Lasoco wixii sookordha

Puntlandes.com

 

About The Author