Sawirradii Ugu Dambeeyey Wiil Soomaali ah Oo Weerar Ku Qaaday Jaamacadda Ohio.

November 29 2016 (Puntlandes)-Nin la sheegay inuu Soomaali yahay oo aan magaciisa la sheegin ayaa weeraray Jaamacadda magaalada Ohio ee dalka Maraykanka isagoo dhaawacay dad badan ka hor inta aysan boolisku tooganin.

Ugu yaraan toban qof ayaa ku dhaawacantay weerarka ka dib markii ninkan Soomaaliga ah uu si ulakac ah gaari u jiirsiiyay dad ku sugnaa Jaamacadda gudaheeda sida boolisku sheegeen.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ninkan markii dambe uu gaariga ka degay isagoo billaabay inuu toorey ku weeraro dadkii kale ee goobta ku sugnaa, waxaana toogasho ku dilay booliska oo Jaamacadda Ohio soo gaaray.

Maamulka Jaamacadda ayaa sheegay in hadda xaaladdu ay deggan tahay iyagoo xusay in Soomaaliga weerarkan geystay oo 20 jir ahaa uu ka tirsanaa ardayda wax ka barata isla jaamacada uu weeraray.

SAWIRRO

toor toor1 toor2 toor4 toor7

About The Author