Ciidanka Badda Puntland Oo Ku Wajahan Degmada Qandala.

November 29 2016 (Puntlandes)-Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanaya xeebaha gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidanka difaaca Puntland ay u ruuqaan sadeen xeebaha degmada Qandala oo dhowaan Daacish qabsadeen.

ciidaka-bada-300x219

Mas’uuliyiin dowladda katirsan oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanku dhanka badda iyo berrigaba kaga bexeen degmada Qandala ayna maalmaha soo socda ka xorayn doonaan kooxda Daacish.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Cabdullaahi Cumar Camey aaya dhowaan sheegay in la diyaariyey dhammaan wixii agab iyo ciidan ahaa ee lagu qaban lahaa Qandal.

About The Author