Dhagayso Quraan jecel: “Waraaqda joojinta waxaa ka horaysay waraaq codsi iyo wargalin ah”

Afhayeenka dowladda Puntland C/lahi Jamac Quraan jecel, ayaa saaka ka war bixiyey waraaqda ay soosaartay dowladda Puntland iyo waraaqo kahoreeyey oo ay soosaareen.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay ka xunyihiin in wali la fur furayo hishiisyada madasha wada tashiga, iyada oo uusan ka hadlay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ay Dowladda Puntland raadinayso xuquuqdii muwaadiniinteeda.

Afhayeenka ayaa sheegay inta aysan Puntland waraaqda joojinta soosaarin, in ay jirtay waraaq hore oo ay Puntland u dirtay madaxda iyo gudiga Doorashooyinka ayna ku dalbatay in aan wax fara galin ah lagu samay, hishiisyadii horay loo galay.

Dhagayso

About The Author