Gaalkacyo: Weerarkii xala kadib, saaka waa see xaaladda Gaalkacyo?

29 nov 2016 (Puntlandes) Weerar qorshaysan ayaa lagu soo qaaday ciidan ilaalada kastamyada, ee ku sugan kastamka Koonfureed ee magaaladda Gaalkacyo.

230-3a5

Weerarkaana ayaa dhacay laba jeer oo kala gadisan, ciidanka Puntland ayaa iska difaacay weerarkaas, oo looga soo qaaday Sadex wajahadood, Ciidanka ayaana Puntlandes u sheegay in ay hayeen xogta weerarkaan, ayna la socdeen Dhaq dhaqaaqa ciidamada weerarkaan sooqaaday.

Mid ka mid ah saraakiisha ku sugan Kastamka, ayaa noo xaqiijiyey in uu weerarkaasi, ahaa mid ay soo qorsheeyeen ciidamad Galmudug, ayna aaminsan yihiin in ay ka yimaadeen, kantarooka Galmudug oo maal mahaanba waday qalalaase amaan, iskuna dayayey in ay soo weeraraan ciidamada ilaalada Kastamka.

Weerarkaan ayaan wax khasaare ahi kasoo gaarin ciidanka Puntland, ilaa iyo haddana lama hayo xaqiiqda, kooxdii weerarkaan soo qaaday oo ugu danbayntii dib uga laabtay goobihii ay soo weerareen.

Xaaladda Magaaladda ayaa haatan Dagan, iyada oo aysan saaka jirin wax rasaas ah oo la maqlayo, waxaana la filayaa in ay goobaha ay xala wax ka dheceen ay booqdaan gudiga ilaalinta xabad joojinta iyo nabadaynta Gobolka Mudug.

Lasoco wixii kasoo kordha.

Puntlandes.com

About The Author