Dhagayso: Hanti dhowrka Guud & Garyaqaanka Qaranka ”waa Sharci daro in Shirkad gaar loo leeyahay ay Caymiso Gaadiidka”

29 nov 2016 (Puntlandes) Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr Nuur Faarax Jimcaale iyo Garyaqaanka guud ee Qaran Soomaaliya Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa ka hadlay Banaanbax ay dhigeen Gaadiidlayda Muqdisho oo ka cabanayay Lacago Xad dhaaf ah oo laga qaado iyo sidoo kale cabasha ay ka muujiyeen shirkada Caymiska Gaadiidka ee Takaaful.
232-1b3
Garyaqaanka Guud ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan sharci tahay lacagta laga qaadayo Gaadiidleyda Gobolka Banaadir ee lagu sheegay Ceymiska, taasoo aan wax Sharciyad ah haysan.

Waxaa uu  sheegay in Shirkad si gaara loo leeyahay in aysan qaadi karin lacagaha Cayminta ee laga qaado Gaadiidleyda maadaaba uu Sharciga kaliya ee jiraa uu yahay in Caymiska ay Dawladu leedahay lana sameeyey 1973dii.

Dhanaka kale waxay ka digeen lacag Xad dhaaf ah oo maalmahaan laga qaadayo dadwaynaha kunool Muqdisaho taasoo BOOB ah oo aan sharciga waafaqsanayn.

Dhagayso Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya iyo Garyaqaanka guud ee Qaran Soomaaliya


Puntlandes.com

About The Author