Donald Trump “Qaxootiga Soomaalidu ma ahayn in ay Maraykanka joogaan”

30 nov 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha la doortey ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa waxa uu ku Twitter gareeyey fariin uu uga hadlaayo weerarkii ka dhacay Jaamacadda Ohio ee dalka Marayknaka, kaas oo uu geystey wiil Soomaaliyeed oo Jaamacadda uu weeraray Ardey ka ahaa.

232-5d1

Hoos ka akhriso Twitter ka Donald Trump

Trump ayaa sheegay in masuuliyadda weerarkaas ay qaadatey ISIS, kaas oo uu fuliyey Somaali qaxooti ah oo aysan ahayn in ay joogaan waddankeena Maraykanka ayuu yiri Trump.

ISIS ayaa sheegatey in ay masuul ka tahay weerarkan, mana jiro wax xiriir ah oo ka dhexeeya IS iyo wiilka la diley ee weerarka fuliyey taas oo weli laamaha amnigu ay heleen.

Puntlandes.com

About The Author