BREAKING NEWS: Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne kuxigeenka Puntland oo Sabtida Muqdisho ku wajahan

1 Dec 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay inay Wafdi culus oo uu hogaaminayo madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey Muqdisho ku wajahan yihiin Sabtida ay bishani tahay 3da.

226-3-1

Wafdi madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland mudane Axmed iyagoo ujeedada Safarkoodu uu yahay inay ka qayb galaan shir ay isugu imaanayaan Beelaha dega Waqooyiga Soomaaliya ee Somali land.

Shirkaas ayaa waxaa lagu qaybsanayaa 11 xubnood oo uga soo aaday Beelahaas kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.

Sida ay xog ku ogaatay Warbaahinta Puntlandes shirkaas ayey beeluhu ku qaybsanayaa, iyadoo ay awal ka biyo diideen Beelaha Dirta Waqooyi inay beesha Harti wax ku yeralato ayey iminka ogolaadeen cadaadis badan ka dib.

Xasan Sheekh oo dagaal ka riixayey diidmada RW kuxigeenka Maxamed Cumar Carte ayaa iminka ka hor Lee dayn.

Puntlandes.com

About The Author