Gaadiidkii Gaalkacyo Dhex mari jiray oo loo wareejiyey Wadada Galdogob & Gaadiidlay soo dhawaysay (Warbixin faah faahsan)

????????????????????????????????????

1 Dec 2016 (Puntlandes) Magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa laamiga weyn ee Koonfurta aada ay dhagaxaan iyo ciid ku Gooyeen Ciidanka maamulka Gamudug, oo sheegay in aysan marna aqbalayn in ay Gaadiidku u kala Gudbaan Koonfurta iyo Puntland.

Maamulka Gamudug ayaa hadafkoodu ahaa inay Xanibaan Saylada Xoolaha ee ay dawlada Puntland ka dhisayso Gaalkacyo oo dhismaheedii dhamaaday dhawaana xariga laga jari doono iyo inay Cunaqabateeyaan shacabka reer Puntland waa siday yiraahdeen.

Gaadiidka ayaa ku dhibtooday wadooyin la xiray, taasoo ay Puntland u aragtay in ay arintaasi laba khatarood tahay, Mid amaan iyo mid ganacsi labadaba.

Hadaba si arinkaas looga hortago dowladda Puntlaand ayaa ku amartay dhamaan Gaadiidkii ka yimaada ama aada koonfurta Soomaaliya inaysan mari karin meel  kale oo aan ka ahayn Wadada Galdogob.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay inaysan jirin Baabuur u tagtay dhanka Xaafadda Baraxleey ee Koonfurta magaalda Gaalkacyo, iyagoo ay u suurto geliwayday.

In kasta oo ay gaadiileeydu markii hore walaac badan ka muujiyeen, misa Warbaahinta Puntlandes, oo amuurtaas u dhaba gashay ayaa waxaa ay soo ogaatay, in ay gaadiileeydu ku faraxsan yihiin haatan in ay wadaas maraan.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay inuu Gaadiidku maro iminka Wadada Dhabad iyo Caabudwaaq iyagoo kasoo gala Galdogob hor kadibna soo mara Wadada Bursaalax oo ay Laamiga uga dhacaan Deegaanka Cagaaran.

Mid kamid ah gaadiidleeyda ayaa noo sheegay, in ay hoos u dheceen kharashaadkii ku bixi jiray badeecada iyo gaadiidka, kharashaadka ayaa hoos u dhacay 86%, gaadiidlayda ayaa waxaa ka baaqtay lacago farabadan oo Canshuur ahaan looga qaadi jiray iyo kuwo ay ka qaadi jireen kooxo isbaarooyin dhigta laamiga dheer.

Isagoo sii wata ayuu Darwalkaasi u Warbaahinta Puntlandes inay dhib la’aan maraan wadada cusub iyagoo lacagtii uga bixi jirtay Canshuurta/Isbaarada ay iminka 14% oo ka mid ah ay Shidaal uga baxdo halka ay u baaqatay 86% wuxuuna intaas ku daray inaysan ku laaban dooni Wadadii lagu Boobi jiray.

Maamulka Gamudug ayaa waxa uu halkaas ku waayey lacago fara badan oo uu ka qaadan jiray Gaadiidka u kala goosha Puntland iyo Kpoonfurta Soomaaliya, isagoo sabab u ah inuu waayo dhaqaalahaas.

Puntlandes.com

 

About The Author