Guddiga doorashada oo diiday natiijada kursi ay lahaayeen Haween oo loo doortay nin uu Madaxweyne xasan watay

1 Dec 2016 (Puntlandes) Guddoomiyaha guddiga doorashada dadban Avv Cumar Maxamed Cabdulle ayaa qoraal ka soo baxay xafiiskiisa waxa uu ku shaaciyay in aan guddiga doorashada heer Federal aysan aqbali doonin natiijada ka soo baxday doorasho ka dhacday shalay magaalada Cadaado taasoo uu ku guuleystey Axmed Abtidoon.

232-5d5

Kursigan oo ay lahaayeen beesha Saleebaan ayaa waxaa la sheegay inuu ku guuleystey Maxamed Axmed Abtidoon iyadoo ay la tartameen musharixiinta kale ee Aadan Cismaan Cali iyo Ubax Axmed Warsame, waxaase la filayey inay kursigaan ay ku tartantamaan Caasho Axmed Cabdalle iyo haween kale.

Guddiga doorashada heer federal ayaa sidan oo kale sabtigii aynu ka soo gudubnay ka soo saaray diidmo la mid ah tan ay ka soo saareen doorashada ka dhacday Cadaado labo kursi oo lagu tartamay magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle. Kursigaas ayaa waxaa kuguuleystey Maxamed Abuukar Islow iyo Cabdulaahi Maxamed Nuur wasiiru dowlaha Maaliyada.

Halkan ka aqriso qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada dadban

232-5d7

232-5d7a

Puntlandes.com

About The Author