Wasiir Fargeeti “Waa sharci darro in shirkad gaar ah ku soo rogto gaadiidka Ceymis qasab ah”

1 Dec 2016 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti ayaa sheegay in ay sharci darro tahay in Shirkad gaar loo leeyahay ay Gaadiidleyda Gobolka Banaadir ka shaqeeya ay Lacag Ceymis ah ku soo rogaan.

232-5f

Wasiirka ayaa Nasiib daro ku Tilmaamay in Ceymiskii loogu talo galay in Dowladda Dhexe ay gacanta ku hayso ay hadda iska Maamushaan Shirkado gaar loo leeyhay, taasna ay tahay wax laga Xumaado.

“Anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda Maaliyada waxaa u cadeynayaa in aysan jirin shuruuc u ogolaanaya shirkadaha gaarka loo leeyahay inay shacabka ceymis ka qaadaan, hadana si qasab ah, ma jiro go’aan ka soo baxay labada gole oo shirkad gaar ah lagu dhahay ceymis qaada, ceymiska dowladda ayaa ka mas’uul ah”ayuu yiri Wasiir Fargeeti.


Wasiirka ayaa sheegay inay ka xun yihiin dhacdooyinkii maalin hore dhacay, isla markaana aysan raalli ka aheyn, isagoo tilmaamay inay qalad aheyd shirkad aan sharci ku dhisneyn inay shacabka ay si qasab ah ugu soo rogto ceymis qasab, waxaana uu intaa ku daray inay sharci daro tahay in Shirkad gaar loo leeyahay ay Gaadiidleyda Gobolka Banaadir ka shaqeeya ay Lacag Ceymis ah ku soo rogaan.

Puntlandes.com

About The Author