Daawo Video: Xil. Bulqaas oo ka tirsan Barlamanka Somaliland oo Booqday magaalada Baran ayaa Bogaadiyey Waxqabadka dawlada Puntland-Akhriso!!

2 Dec 2016 (Puntlandes) Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas Jiir oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland oo Booqasho ku tagay magaalada Baran ee Gobolka Sanaag ee Puntland ayaa sheegay inaysan Somaliland kula tartami karin Dawalada Puntland Gobolada Sanaag Bari.

232-5d9

Xildhibaan Bulqaas ayaa qiray inay Puntland ka qabatay Gobolada  Sanaag Bari ee Puntland mashaariic aad u fara badan isagoo si gaar ah u soo qaatay Mashruuca Wadada isku Xirta Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo oo lagu dhisayo halhayskii madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ee ahaa ”Puntland ha isku Tashato” iyo waliba Mashruuca kale oo lagu dhisayo Jaamacadda Maakhir oo iminka Dhismaheedu marayo gabogabo.

Xildhibaan Bulqaas ayaa ku Bogaadiyey dawlada Puntland sida ay ugu haragbaxday dhulkeeda iyo dadkeeda.’

Madaxweyne Gaas Hogaamiye Horumarineed

gaas1-764160

Tan iyo intii uu xilka la wareegay jan 14keedii 2014kii madaxweynaha Puntland ee iminka Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxay Puntland cagta saartay Wadadii HORUMARKA, isagoo uu madaxweynuhu dadaal xoogan oo aan daal lahayn u galay sidii uu Puntland u Horumarin lahaa gaar ahaan KAABAYAASHA DHAQAALAHA.

Mashaariicda waawayn ee Puntland ka hirgalay, kuwa bilowday iyo kuwa soo sacda dhawaan ayaa ah:

  1. Garoonka Diyaarada ee Caalamiga ah ee Bosaso (Hirgalay)
  2. Garoonka Diyaarada ee Caalamiga ah ee Garowe (Gabogabo)
  3. Jaamacadda Maakhir oo Hab Casri ah loo dhisayo (Gabogabo)
  4. Wadada Laamiga ah ee Garowe iyo Gaalkacyo (Dhawaan ayey bilaabanaysaa)
  5. Wadada Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo (Way bilaabatay)
  6. Wadada Dangorayo iyo Ayl  (Way bilaabatay)
  7. Wadada Wadaagsin (Way bilaabatay)
  8. Garoonka Caalamiga ah ee Gaalkacyo (Meel fiican ayuu matraysaa Qorshihiisu)
  9. Dekedda Laasqoeray (Meel fiican ayey matraysaa Qorshaheedu)
  10. Dekedda Garacad (Meel fiican ayey matraysaa Qorshaheedu)
  11. Dadaal aan kala joogsi lahayn oo uu madaxweyne Gaas u galay sidii uu u dhisi lahaa Kaabayaasha Dhaqaalaha Puntland

Waxqabadka kale ee lagu Xusi doono Hogaanka Gaas ee Puntland waxaan ka xusi karnaa.

  • Tababarid iyo Tayeyn Shaqaalaha dawlada Puntland oo markii u horaysay Waxbarasho dalka dibadiisa loo qaaday tiro aad u badan
  • Tababarid iyo soo saaris Saraakiil Ciidamada kala duwan ee Puntland oo ah markii ugu horaysay Saraakiil dalka dibadiisa lagu soo tabotaro
  • Abuurid iyo meel marin Xeerakii dalku u baahnaa oo markii ugu horaysay la sameyyo ama loo so jeesto
  • Dhisida Xafiiska u Qareemaha Xuquuqda Aadanaha Puntland oo markii u horaysay Puntland laga dhiso


Puntlandes.com

About The Author