Madaxweyne Gaas oo Safar shaqo ku tagi doona berri dalka Mozambique kadib markuu casuumad rasmi ah ka helay dalkaas

2 Dec 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay inay ku wajahan yihiin Caasimadda dalka Mozambique ee Maputo Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

gaas1-764160

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxay ka heleen dawlada dalkaasi Casuumad Rasmi ah, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dhinac iyo arimo Ganacsi.

Madaxeyne Gaas ayaa la Kulmi doona madaxda dalkaasi, iyagoo ka wada hadlin doono xiriir cusub oo ay Puntland la yeelan doonto dalkaasi.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa caawa waxay kasoo dagayaan caasimada dalka Kenya ee Nairobi, iyagoo berina uga sii gudbaya dalka Mozambique sida ay ogootay Warbaahinta Puntlandes.

Madaxweyne Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalmihii u dambeeyey waxay Safar shoqo oo la xiriira Maalgashiga Puntland ku joogeen dalka China iyagoo guulo kasoo gaaray Safarka as.

Puntlandes.com

About The Author