Jariiban: Dufcaddii ugu horaysay ee ka qalin jabisay machadka caafimaadka ee OTTI (Sawirro).

Macadka taba barada caafimaada ee OTTI, ayaa waxaa uu maanay shahaadooyin gudoonsiiyey, arday ka qalin jabisay machadka oo ah kuwii ugu horeeyey ee ka qalin jabiyey magaaladda Gaalkacyo.

Xafladda waxaa soo qaban qaabisay, Maama Sareedo Jaamac oo ka mid ah maamooyinka magaaladda Jariiban, waana ruug caddaa caafimaad oo magaladda muddo dheer kasoo shaqaynaysay caajimaad iyo umulisada deegaankaas, xafladda ayaa maamadu ugu tala gashay in ay ku dhiiri galiso ardayda.

25 arday ayaa markii ugu horaysay ka qalin jabinaysa, macadka oo markii ugu laga furay magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa uu haatan soo saaray ardaydii ugu horaysay.

Maamulaha mahadka OTTI Faraciisa jariiban C/laahi C/casiis ayaa mahadiyey sida ay u socoto shaqadu, waxaana uu sheegay in ay macadku uu doiyuaar u yahay in uu soosaaro xirfadlayaal, caafimaad oo la isku halayn karo, si looga baxo baahiyaha joogtada ah ee kal kaaliyayaasha iyo gar gaarka dag dagaa.

Macadka oo hadalkiisa sii watta ayaa sheegay, in ay ku kalsoon yihiin aqoonta ardaydaan, waxaana uu intaas ku daray in ay haatan wali wadaan sidii loosii hor marin lahaa caafimaadka deegaanka, ayna soo saari doonaan arday badan oo caafimaadka baratay.

Ugudanbayntiina ardaydii ka Qalin jabisay Macadka, ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yhiin in ay noqdaan xirfadlayaal caafimaad, waxaana ay sheegeen in ay siiwadi doonaan dadaalkooda aqoon raadinta iyo kaabidd bulshada.

Sawirro.

img_3002 img_3003 img_3004 img_3006 img_3008 img_3009 img_3010 img_3011 img_3012 img_3013 img_3014 img_3016 img_3017 img_3018

About The Author