Alshabab oo gacanta kudhigtay diyaarad ku dhacday Shabeellaha hoose.

December 03 2016 (Puntlandes)-Wararkii ugu dambeeyey ee kusoo dhacaya warqabadka Puntlandes ayaa sheegaya in diyaarad yar oo nooca wax basaasa ama drones ay kusoo dhacday gobolka Shabeellaha hoose.

Goob joogayaal ayaa sheegay in diyaaraddu ku soo dhacday duleedka degaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay gacanta ku hayaan diyaarad nooca waxbasaasa ah ayna soo bandhigi doonaan muuqaalo iyo sidoo kale sawiro muujinaaya diyaarada soo dhacday.

About The Author