Madaxweyne kuxigeenka dawlada Puntland oo safar ugu baxay magaalada Muqdisho sidii ay baahisay Warbaahinta Puntlandes

December 03 2016 (Puntlandes)-Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka duulay magaalada Garoowe, iyagoo ku sii jeeda magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya.

232-5f1

Safarka maaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, ayaa salka kuhaya arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo Qaaybsiga Xubka Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi Soomaliya ee Somaliland oo ku leh Aqalka Sare 11 Xubnood.

Eng Camey ayaa shir jaraa’id oo uu dhawaan ku qabtay Garoowe wuxuu ku sheegay in aan la aqbali doonin warar ay sheegeen guddiga Doorashooyinka oo ah in ay doorashadu qabsoomayso dhawaan.

Halkan hoose ka akhriso Warkii ay horay u baahisay Warbaahinta Puntlandes ee ku saabsanaa Safarka Wafdiga madaxweyne kuxigeenka Puntland:

Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne kuxigeenka Puntland oo Sabtida Muqdisho ku wajahan

Puntlandes.com

About The Author