Gaalkacyo: Daqaatiirta Gaalkacyo oo la kulmay CT-Scan Group (Sawirro)

Kulan ay yeesheen dhaqaatiirta Gobolka Mudug gaar ahaa kuwa magaaladda Gaalkacyo, waxaana ay soo bandhigeen CT-Scan iyo shaqooyinka uu qabanayo.

Groupka ayaa sidoo kale waxaa ay soo bandhogeen waxyaabaha ay horay usoo qabteen, waxaana ay sheegeen in ay dhaqaatiirta iyo dadkaba ugu bishaareeyaan, in ay ka baaqsadaan safaradii dheer dheeraa ee ay u gali jireen CT-Scanka.

Kulankaan waxaa kasoo qayb galay Dhaqaatiirta Gobolka Mudug iyo madax kala gadisan oo kasocotay dowladda Puntland, waxaa ay ka hanbalyeeyeen shaqada wanaagsan ee ay dhaqaatiirtaani u soo kordhiyeen dhaqaatiirta iyo shacabka Puntland.

Gudoomiyaha Gobolka iyo duqa dagmadaa Gaalkacyo oo kulan qayb ka ahaa ayaa dhaqaatiirta ku amaanay shaqada adag ee ay uhayaan bulshada gobol, waxaana ay sheegeen in aysan marna ilaawi doonin shaqdii iyo wakhtigii adkaa ee ay Dhaqaatiirtu lasoo mareen dadka Gobolka.

Gudoomiyaha Dhaqaatiirta Gobolka Mduga, Dr. Maxamed Xuseen Aadan, ayaa soo dhaweeyey qalabkaan cusub, waxaana uu sheegay helidda iyo ogaanshaha cuduradda, sidoo kale waxaa uu sheegay in ay dadweynaha ka caawinayso sidii looga jawaabi lahaa xanuunada dag daga u baahan in wax looga qabto, oo ay shacab badan u dhiman jireen iyada oo aan wali la ogaan xanuunkooda, ama inta ay jidka kusii jiraan.

Wasiirka Hawlaha guud oo kulanka kasoo qayb galay, ayaa sheegay in Gobolka Mudug uu yahay mid nasiib badan, waxaana uu dhaqaatiirka ku tilmaamay kuwii ugu ruug caddaa ee Soomaaliya meel isugu yimaada, taasna nasiibka eebe ayey ku noqotay.

Wasiirka ayaa sheegay in Scan ka haatan la keenay uu shaqo aan lailaawi karin usoo qabtay reer Gaalkacyo, dhamaan dhaawacyadii ubaahdayna lagu saarayey lacag la’aan, taas oo ah mid aan la ilaawi karin, loogana baaqday safaradii dheer dheeraa iyo diyaaradaha shacabka loosaari jiray.

SAWIRRO.

img_3033 img_3034 img_3036 img_3039 img_3041 img_3042 img_3046 img_3057 img_3058 img_3060 img_3064 img_3065 img_3067 img_3072 img_3073 img_3075 img_3080 img_3082 img_3088 img_3093 img_3095 img_3100 img_3102 img_3109

About The Author