Daawo Video: Musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Kashifay Musuqmaasuqa uu Xasan Sheekh Doorasha ku hayo

3 Dec 2016 (Puntlandes) Musharraxa xilka madaxwaynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa Kashifay oo banaanka keenay Musuqmaasuqa aan xadka lahayn ee uu madaxweynaha DFS ahna Musharraxa xilka madaxwaynaha SoomaaliyaXasan Sheekh ku hayo Doorasha iminka sida dadban loogu soo dooranayo xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS.

232-6a6

Musharrax Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuu Xasan Sheekh ku hawlan yahay inuu Boobo Kuraasta labada Aqala ee Somaliland isagoo adeegsanaya Ciidanka NISA oo maamlmahan noqday awaad uu si gooni ah u isticmaalo Xasan Sheekh.

Puntlandes.com

About The Author