Sawirro:Musharax Xildhibaan C/qani Orhaye oo kaalin mug wayn ka qaatay siidaynta & dib usoo Celintii Dhalinyaro Kalluumaysato

5 dec 2016 (Puntlandes) Musharax Xildhibaan mudane C/qani Cabdi Jaamac (Orhaye) ayaa wuxuu qayb wayn ka qaatay siidaynta Dhalinyaro Kalluumaysato ah oo si Xaqdaro ah ugu xirnaa dalka Kenya kadib markii Maxkamad ay ku Xukuntay Xabsi u dhaxeeya 8 sano ilaa 20 sano.

Dhalinradan oo laga qabtay Xeebta Garacad ee Gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa lagu eedeeyey inay ahaayeen Burcad Baddeed, iyadoo Dacwad ku oogayaashii ay Maxkamadda ka codsadeen in Xabsi dheer lagu Xukumo.

Waxaa markaask a dib arintan u kacay Safiirkii Kenya u fadhiyey Soomaaliya ahna Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed cali Ameerika iyo Siyaasiyiin Soomalaiyeed ooo uu ka mid yahay C/qani Cabdi Jaamac (Orhaye) oo iminka ah Musharax Xildhibaan ee Gobolka Mudug, kuwaas oo ku dooday in muddada Xabsiga wax laga dhimo, taasoo ay ku guulaysteen kadib markii lagu soo koobay 8 sano iyo dhowr bilood oo xarig ah.

Musharax Xildhibaan mudane C/qani oo kula kulmay dhalinyaradaas oo Xabsiga laga soo daayey Magaalada Muqdisho ayaa waxay ka codsadeen Musharaxa inuu ka caawiyo sidii ay dib ugu noqon lahaayeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo meesha ay kasoo jeedaan.

Musharax Xildhibaan mudane C/qani ayaa wuxuu Warbaahinta Puntlandes u xaqiijiyey in dhalinyaradaasi ay Gaalkacyo kasoo degi doonaan maalinta talaadada ah oo ay bishan tahay 6da.

Hoos ka akhriso magacyada iyo Beelaha ay kasoo jeedaan Dhalinyaradaas

  1. Maxamuud Maxamed Xaashi (Dhoodi): Beesha Cumar Maxamuud
  2. Maxamed Cali Ow-Daahir (Orod-dheer): Beesha Cumar Maxamuud
  3. C/risaaq xasan Cali Faarax (Dabo-gunud) : Beesha reer Biciidyahan
  4. Mahad Cali Maxamed  Cumar Maxamuud
  5. Maxamuud C/laahi Ismaaciil: Beesha Ugaar Saleebaan

Daawo sawirrada
232-6b

232-6b1

232-6b2

232-6b3

232-6b4
Puntlandes.com

About The Author