XOG: Xasan Sheekh oo ku daba taagan Raadkii Cumar C/rashiid berina tagaya Kismanyo

5 dec 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Mausharax madaxweyne Xasan Sheekh oo ku daba taagan Raadkii Mausharax madaxweyne Cumar C/rashiid uu maalinlta beri ah gaari doono magaalada Kismanyo ee xarunta KMG ah ee Jubaland.

madaxweyne-xasan-sheekh

Xasan Sheekh oo dhawaan kasoo laabtay dalka Itoobiya iyadoo sidoo kale uu maalmo ka hor uu Cumar Cabdirashiid booqday wadanka Itoobiya, ayaa warar ay heshay Warbaahinta Puntlandes  waxay Xaqiijinayaan in Xasan Sheekh uu Itoobiya ka baryey inay kala hadlaan madaxweynaha Juballand Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) kaasoo ay culays ku saareen inuu Aqbalo soona dhaweeyo booqashada Xasan Sheekh ee Kismayo.

Xasan Sheekh ayaa wuxuu doonayaa inuu la kulmo Xildhibaanada cusub ee labada Aqal ee Kasoo jeeda Jubaland sidii uu yeelay Cumar Cabdirashiid oo kale.

Waxaa kaloo wararka soo gaaraya Warbaahinta Puntlandes ay sheegayaan in Xasan uu Ganac buuxsi u gaynayo madaxweynah Jubaland Xamed Madoobe, si uu Xasan qaybtiisa uga helo kalsoonida Xildhibaanda.

Puntlandes.com

About The Author