DHEGEYSO-Wararkii ugu dambeeyey ee howlgalka dib u xoraynta Qandala.

December 05 2016 (Puntlandes)-Taliska ciidamada Difaaca ee Puntland, gaar ahaana qeybta La dagaalanka Burcad Badeeda iyo Argagixisada ee Badda ayaa beeniyey war uu galabtay BBC-da ka sheegay shaqsi sheegtay in uu yahay Taliyaha ciidamada Badda ee Puntland, waxaana Talisku ay cadeeyeen in uusan ninkaas ka mid aheyn ciidamadda Badda iyo Difaaca ee Puntland.

Taliyaha Ciidanka Badda Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo la hadlayey VOA-da ayaa u sheegay in uusan ninkaas ka mid aheyn ciidamada Difaaca, aysana garaneyn halka uu ku sugan yahay, balse ay ciidamadu ku jiraan howlgaladoodii caadiga ahaaa.

DHEGEYSO

About The Author