XOG: Xasan Sheekh & Jawaari oo Go’aansaday inay Dirta Waqooyi u Boobaan Beelaha SSC

5 dec 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS ahna Musharax madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sida ay Ogaatay Warbaahinta Puntlandes waxa uu u dhiibay Gudoomiyaha Baarlamaanka Xilkiisu dhamaaday mudane Jawaari qorshe loo dagay Beelaha kasoo jeeda Gobolada Sool, sanaag iyo Degmada Buuhoodle.

223-2a2

 

Qorshaha Xasan u dhiibay Jawaari ayaa ah inuu u soo jeediyo wafdiga Puntland ka yimid ee ay hogaaminayaan madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey iyo Gudoomiyaha Baaralamaanka Puntland Axmed in hal kursi loo jaro ayna ku tartamaan Beelaha Sool, Sanaag iyo Buuhoodle (Dhubahante iyo Warsangeli) inta kalena 10 kursi loo daayo Dir Waqooyi

Halka wafdiga reer Puntland ee Xamar ku sugan ay qabaan in labo mid la yeelo:

  1. In sidii lagu go’aaamiyey Shirkii madasha ee Sept loo daayo taasoo hayd Sool, Sanaag iyo Cayn in la siiyo labo Kursi, halka Qabiilada laga tiro badan yahay la siiyo hal kursi
  2. In la laalo 11 Kursi haddiii lagu Heshiin waayo

Dhanka kale waxaa Maanta oo Isniin ah ka furmaya Muqdisho Shirkii Madasha Hogaamiyayaasha Qaran oo ay Dawalada Puntland u matalayaan madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey iyo Gudoomiyaha Baaralamaanka Puntland Axmed oo u yimid Muqdisho Buuqa ka taagan Qaybsiga Kuraasta Waqooyi.

Puntlandes

About The Author