Akhriso Qoraal ay ku dalbadeen odayaasha matalaya Somaliland in Doorashadooda lagu qabto xarunta Xalane oo laga wareejiyo xarunta Gaadiidka Booliiska

5 dec 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa waxaa la soo gaarsiiyey Qoraal ay ku dalbadeen odayaasha matalaya Somaliland in Doorashadooda lagu qabto xarunta Xalane oo laga wareejiyo xarunta Gaadiidka Booliiska oo ay doonayso Kooxda Xasan Sheekh ee DAMUL JADIID.

Warqada oo ku taariikhaysan 19 nov ayey Odoyaashu ku dalbadeen inay doonayaan inay Doorashada ku qabsadaan Xarunta Xalane oo meel aysan saamyn ku lahayn Koocda DAMUL JADIID oo waayadii dambe si xoog ah kusoo saaranaysay Xildhibaano u Codeeya.

Odayaasha ayaa arintaais sabab uga dhigay si looga baaqsado waxa ay ugu yeedheen “cabsigelin iyo cago-juglayn”.

Odayaasha ayaa waxay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya kaga heleen codsigooda taageero isagoo ku raacay, halka uu madaxweyne Xasan Sheekh diidan yahay codsiga odoyaasha.

232-6b5 232-6b6

Puntlandes.com

About The Author