Koonfur Galbeed Oo Soo Gabagabaysay Doorashada Aqalka Hoose.

December 06 2016 (Puntlandes)-Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed  ayaa xalay waxaa lagu soo gabagabeeyey doorashada aqalka hoose ee maamulkaasi.

Musharax Xuseen Maxamed Sheekh ayaa ku soo baxday kursiga 68aad ee xubnaha aqalka hoose ee Koonfur galbeed ka dib markii uu 50 cod kaga guuleystay Cumar Cali Maxamed oo ahaa musharaxii la tartamayey.

Xasan Macalin Xuseen ayaa isna ku soo baxay kursigii ugu dambeeyay ee 69aad ka dib markii uu 40 cod kaga guuleystay Xasan Xaaji Ibraahim oo ahaa musharaxii la tartamayey.

About The Author