Daawo sawirrada kullankii Wafdiga Puntland & Wakiilada Beesha Caalamka ee Xerada Xalane

6 dec 2016 (Puntlandes) Shalay ayaa waxaa ku kulmay Xarunta Xalane Wafdiga Puntland ee ay Hogaaminayeen madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiim Xaaji Cumar Caay iyo Gudoomiyha Baarlamaanka Puntland Axmed Xaashi  iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho iyadoo laga wada hadlay muranka ka taagan Kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland xubnaha ay ku leeyihiin Beelaha Gobolad Sool, Sanaag iyo Buuhoodle..

Markii Shirku dhamaadayba waxay Beesha Caalamku soo saartay qoraal ay ku dalbeen in Madaxda Hogaamiyayaasha Qaranku shir deg deg ah isugu yimaadaan berri oo ay taariikhdu tahay 7 dec 2016 si loo xaliyo Muranka jira.

Daawo sawirrada kullankii Wafdiga Puntland & Wakiilada Beesha Caalamka ee Xerada Xalane

232-6c 232-6c1

Puntlandes.com

About The Author