Gaalkacyo: Gudiga xabad joojinta oo kormeeray goobihii ciidamad laga kala qaadan, kulanna ku qabtay Hotel Al-Jazeera. (Sawirro+Warbixin)

6 dec 2016 (Puntlandes) Gudiga ilaalinta xabad joojinta magaaladda Gaalkacyo, oo ka kooban labada dhica ee Puntland iyo Galmudug ayaa maanta kormeeray jiidaha hore ee Ciidamada laga kala raray, si loo hubiyo in ay Ciidamadu kala joogaan goobihii loo asteeyey.

Gudiga ayaa inta uusan hawshiisa kormeerka guda galin waxaa ay iska waraysteen, xabaddo ka dhacay kantaroolada Koonfureed, taasoo ay is waydaarsadeen labada Ciidan ee iska agdhow halkaas, intaasi kadib ayaa la qorsheeyey hawl maalmeedkii.

Waxaa la kormeeray meel goobihii ciidamada laga kala raray, iyada oo lasoo hubiyey in aanay jirin wax ciidan ah, oo kasoo guuray goobihii horay loo geeyey.

Intaas ka diba ayaa gudigii ka koobnaa 18ka xubnood ee xabad joojinta, Ganacsato, Odayaal, Nabadoono iyo dadkale oo Sama jeclayaa, waxaa Qado loogu sameeyey Hotelka Al-JAZEERA, halkaas ayaana kulan qado ah lagu qaatay, iyada oo kadibna ka galay Shir dheer oo soconayey ilaa iyo galab gaabkii.

Kulankaan oo ay qayb ka ahaayeen, gudoomiyayaasha, Gobolka iyo Dagmada, Taliyayaal Ciidanka Booliska iyo Daraawiishta, ayaa waxaa lagu balan qaaday in qolo kastaa dhankeeda ilaaliso nabadda xabadda dhankeedana, Waxaana sidoo kale la isla soo qaaday qaar ka mid ah waddooyinka oo xiran wali, kuwaas oo ay madaxdu sheegeen in ay furi doonaan, haatanse ay tartiib tartiib usocon doonaan.

Daawo Sawirro.

img_3825 img_3821 img_3816 img_3808 img_3809 img_3812 img_3813 img_3798

img_3346 img_3382 img_3389 img_3403 img_3405 img_3447 img_3475 img_3486 img_3522 img_3533 img_3561 img_3572 img_3582 img_3599 img_3623 img_3687 img_3754 img_3765 img_3772 img_3773 img_3832
Puntlandes.com

About The Author