C/shakuur C. Mire, Maareeye & Wasiirkii Dhalinyarada & isboortiga oo laga mabnuucay Doorashada oo ku soo baxay maanta doorashada Aqalka Hoose ee Cadaado & Jowhar (DAMUL JADIID)

10 dec 2016 (Puntlandes)  Waxaa maanta Doorasho ka kala dhacday Cadaado iyo Jowhar la sheegay inay kusoo baxeen Wasiirkii Dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Xasan Nuux iyo wasiir ku xigeenkii hore ee warfaafinta Cabdi Shakuur Cali Mire, iyagoo ay kusoo baxeen Wax isdaba marin iyo BOOB.

233-1a8

C/Shakuur Cali Mire ayaa la sheegay inuu helay 49 cod  iyadoona la sheegay in musharaxa la tartamayay ee C/risaaq Cali Jaamac uu helay 2 cod, halkan ka akhriso Cabasho laga muujiyey BOOBKA KURSIGAN.

Hoosna ka daawo Muuqaal muujinaya in la BOOBAY Kursigaas

Waxaa isna la sheegay in Wasiirkii Dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Xasan Nuux oo todobaadkii hore laga joojiyay inuu u tartamo kursigan uu isna BOOBAY kursigaan iyadooba aysan jirin Sharci laga Baqayo.

232-6c6a

Guddiga Federaalka ee doorashooyinka dadban ayaa war saxaafadeed uu soo saaray arbacadii waxaa uu tartanka Kursiga Beesha Jidle ka reebay Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ahaa Wasiirkii dhalinyarada iyo Musharax kale ee la tartmayay Axmed Sheekh Nuur Cirro, kaddib markii lagu eedeeyay inay inay sabab u ahaayeen fowdo iyo shaqaaqo ka dhalatay ka dhacday Jowhar 18-kii bishii November, halkan ka akhriso.

Wasiir Nuux ayaa xilligaas bilaabay rabshada, markii wareegii hore laga codbadiyay, waxaana Guddiga ay si cad ugu eedeeyeen inuu fowdada bilaabay, halka musharaxa kalena ay taageerayashiisa bilaabeen rasaasta.

Hase ahaatee Guddiga doorashooyinka Hirshabeelle ayaa iska dhega tiray amarkii Guddiga Federaalka ee doorashooyinka dadban ee uu tartanka kaga reebay Wasiir Nuux iyo Musharaxa kale ee la tartamayay ee Cirro.

Xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Hirshabeelle ayaa saaka qabtay doorasho boobsiis iyo deg deg aheyd, waxaana Wasiir Nuux la tartamaysay gabar lagu magacaabo Hinda C/llaahi Cumar, iyadoo Wasiir Nuux uu ku soo baxay 45 cod.

Villa Somalia ayaa gadaal ka riixeysay in doorashadan dhacdo, gaar ahaan kursigana uu kusoo baxo Mr Nuux uu ku tartamayay oo sifo aan sharci aheyn

Dhanka kale waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu doortay Wasiirka Warfaafinta DFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wuxuuna helay 51 cod, waxaana uu ka guuleystay Axmed Maxamed Cumar.

233-1a9

Wasiir Maareeye ayaa ka mid ahaa Liiska Musharixiinta Xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland, taasoo muuqata inuu hadda ka rajo dhigay uuna isu bedelay ka mid noqoshada Aqalka Hoose oo uu awal ka  door bidayey Aqalka Sare.

Xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland ayaa waxaa ka taagan Dood aad kulul oo la xiriirta inay Kuraas ku yeeshaan Beelaha Hartiga Waqooyi sidii ay Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka Horay u Go’aamisay, laakiin waxaa taas ka biyo diiday Koox uu gadaal ka riixayo Xasan Sheekh oo doonayey inay u Codeeyaan Kuraastaasi waxaase iminka muuqata in la laali doono kadib markii lagu heshiin waayey.

Puntlandes.com

About The Author