Akhriso Isimada, Nabdoonada & Waxgaradka Beesha Cumar Maxamuud oo si wadajir ah uga hor yimid go’aankii Guddiga Doorasha Puntland

10 dec 2016 (Puntlandes) Iyadoo ay horey Beesha Cumar Maxamuud Xubintii ay ku lahayd Aqalka Sare ay ugu Qoondaysay oo u siisay Gabar beesha ah ayaa waxaa War qoraal ah oo kasoo baxay Guddiga doorashada Dadban ee heer Puntland lagu shaaciyey in 2 dii kursi ee ay ku lahayd Beeshu Aqalka Hoose mid ka mid ah loo Qoondeeyey oo ay leeyihiin Haweenku, halkaan ka akhriso go’aankii Guddiga.

226-c7

Hadaba Beesha oo ka duulaysa go’aanka guddiga lana rumaysan yahay inuu gadaal ka riixayo madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxaa kullan ballaaran ku yeeshay magaalada Gaalkacyo Isimada, Nabdoonada & Waxgaradka Beesha Cumar Maxamuud iyagoo isku raacay, si wadajir ahna uga soo hor jeestay go’aankii Guddiga Doorasha dadban ee Puntland.

Qoraal kasoo baxay Beesha ayaa lagu cadeeyey in Beeshu horay u siisay Haweenka Qoondadii ay ku lahaayeen Beesha maadaama 3 dii kursi kii Aqalka Sare ay Beesha Cumar Maxamuud u siisay Gabar ayna tahay in labada Aqalka Hoose ay noqdaan Rag.

Hoos ka akhriso Qoraalkii Isimada, Nabdoonada & Waxgaradka Beesha Cumar Maxamuud ay kasoosaareen go’aankii Guddiga Doorasha Puntland

233-1b 233-1b1 233-1b2

Puntlandes.com

 

About The Author