Doorashada Aqalka Hoose Oo Saaka Dib Uga Bilaabanaysa Garoowe.

December 11 2016 (Puntlandes)-Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa saaka waxaa ka bilaabanaysa doorashada xilhdibaanada aqalka hoose ee Soomaaliya u matalaya Puntland.

Waxaa jira khilaaf u dhexeeya beelaha qaar iyo gudiga doorashada heer Puntland oo isku maandhaafsan qoondada haweenka, kadib markii odayaasha beelahaas lagu wargeliyey inay soo xulaan musharixiin haween ah.

Sidoo kalena ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo Garoowe gelinkii dambe ee shalay soo gaarey ayaa sheegay in ladhammaynayo cabashada Puntland ee xildhibaanada Soomaaliland kasoo helaya Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

About The Author