BREAKING NEWS: Qarax weyn oo goor dhow ka dhacay afaafka hore ee Dekeda Muqdisho

11 dec 2016 (Puntlandes) Qarax aad u xoogan oo laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho ayaa goor dhawayd ka dhacay afaafka hore Dekedda magaalada Muqdisho.

226-3-1

Qaraxaasi ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, goobjoogayaal ayaa saxaadda u sheegay in qaraxa uu dhacay xili dadka isku diyaarinayeen shaqada Dekedda iyo dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee ka socday agagaarka Dekedda magaalada Muqdisho.

Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa wada daabulida dadka waxyeelada kala duwan kasoo gaartay qaraxa saaka ka dhacay agagaarka dekada magaalada Muqdisho.

Lama ogaan karo ilaa iyo iminka tirokoob la xiriira khasaaraha ka dhashay qaraxaan, balse waxaa uu gaystay dhimaasho iyo dhaawac.

Kala doco Warbaahinta Puntlandes waxii kusoo kordha qaraxa ka dhacay dekada Muqdisho.

About The Author